Amaanka Wadooyinka Muqdisho oo si Weyn loo adkeeyay iyo Ciidamo badan oo la soo buuxiyay Iskoosyada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana ka mid ah wadooyinka xiran Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo wadooyin kale.