Axmed Madoobe oo War Deg Deg ah ka soo saaray Guushii Guddoomiye Jawaari

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si deg deg ah ugu Hambalyeey gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo loo doortay gudoominta Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madobe ayaa sheegay in ay talaabo taariikhi ah qaadeen baarlamaanka Faderaalka, wuxuuna shegay in uu halkaas Jawaari kasii wadi doono howlaha baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe wuxuu ku sifeeyey hogaaminta Prof Jawaari ee baarlamaanka faderaalka mid muujinaysa Soomaaliya halka ay u jiheysatay oo ah in ay sii dhameystirto arrimaha muhiimka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dagaal adag ku qaaday kooxda Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saaxiibadiisa siyaasadeed, wax yar ka hor xalay markii ay soo baxday arrinta la xariirta in uu Xidig haysto codad ku filnaa.