Booliska Hindiya oo qabtay 6,000 oo didiin oo la xaday

0

Booliska dalka Hindiya ayaa qabtay in ka badan 6,000 (lix kun) oo didiin oo la doonayay in dalkaasi dibaddiisa loo qaado.

Diinka oo ah nooca qolofta madow waxaa laga helay guri ku yaalla magaalada Amerthi ee gobolka Uttar Pradesh.
Wararka waxay sheegayaan in loo waday magaalada Kolkata, ka dibna la sii dhoofin lahaa.

Hal qof ayaa loo xiray arrintan oo ka mid ah dhacdooyiinka ugu yaabka badnaa Hindiya.

Tirada ayaa ah tan ugu badan ee abid booliska Hindiya ay soo helaan.

Didiinkan maaha mid halis ah, balse waxaa la geeyaa Koofur-Bari Aasiya, halkaas oo hilibka iyo qoloftiisa ay qaali ka yihiin.

Meelaha qaar ayaa la sheegay in looga arko in “raganimada uu xoojiyo hilibkiisa”.

Sidoo kale qolfoofta ayaa laga sameeyaa budo loo isticmaalo daawo dhaqameed.