Ciidamada Dowladda oo Saaka Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Baaritaanka ayaa la Xariira Dil Xalay Magaalada loogu geystay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye oo Bam Gacmeed lagu tuuray Gurigiisa lagu dilay.

Ciidamada ayaa la soo Warineyaa in Tiro Dad ah ay ku qab qabteen Howlgalka ay ka sameeyeen Xafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar.

Shabaab ayaa dhanka kale sheegtay Dilka Mas’uuliyadda Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.