DAAWO SAWIRADA:-Axmed Madoobe oo Wafdi ka socda Jarmalka kula kulmay Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch iyo ku xigeenka Safiirka iyo Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Somaaliya.

Madaxweynaha iyo xubnahan ay hormuudka u ahayd Safiir Jutta Frasch ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in baahiyaha ugu badan ee deeganka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay ay ka codsanayaan Beesha Caalamku in ay wax muuqda kala qabato.

Dowlada Jarmalka ayaa dhinaca kale Jubbaland kala shaqaynaysa Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida iyo dhamaystirka Xarunta dhaqan celinta Maleeshiyadka kazoo goosanaya Al-Shabaab waxaa kale oo Dowlada Jarmalku ay Jubbaland ka caawinaysa dhismaha Xarunta Ururka Haweenka iyo waxyaabo kale oo adeega Bulshada ah.

“Jarmalku kaalin weyn ayay ku lahayeen Hormarka Soomaaliya wakhtigii Dowladii dhexe Aniguna waxaan wax ku bartay Iskuul farsamada gacanta ah oo Jarmalku ay maamulayeen” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Safaarada ayuu Madaxweynahu ku bogaadiyay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan isagoo sheegay in Jubbaland ay dhawaan qaadayso duulan lagu xoraynayo qaybaha Gobolka ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Dowlada Jarmalkana ay doorkooda ka qaadan doonan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-