DAAWO SAWIRADA:- Dabkii Xalay ka Kacay Suuq Boocle ee Muqdisho

0

Dab xoog leh oo xalay qabsaday Suuqa weyne ee Boocle oo ku yaala degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa baabi’iyay inta badan suuqaasi iyadoo qasaare weyn uu halkaasi ka dhashay.

 

Dabka ayaa bilowday xalay fiidkii taasoo keentay in gurmadku xilli hore imaan waayo, iyadoo la waayay jidad ay maraan Dab damiyada, waxaana saaka suuqa dadkii tegay ay sheegeen inuu ahaa goob baaba’aday oo gebi ahaanba haawaneysa.

 

Ganacsato badan oo ku hanti beelay dabkii xalay ayaa la arkayay iyadoo murugo iyo oohin ay soo jabsatay, waxaana muuqaalka suuqa uu noqday mid laga naxo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-