DAAWO SAWIRADA:- In ka badan hal milyan oo qof oo ku dibadbaxaya Donald Trump

0

Kumanaan haween ah ayaa waxay ka qeybgalayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub ee Mareykanka D. Trump kuwaas oo ka soconaya magaalada Washington DC iyo qeybo badan oo ka tirsan.

Dadka magaalada Washington ka dhigaya dibadbaxyada waxa ay gaarayaan ku dhawaad 600 oo qof waxa ayna ka mid yihiin dibadbaxyada ka socda caalamka kuwaas oo bilowday maalintii ugu horeysay oo Madaxweyne Donald Trump uu xilka la wareegay.

Dibadbaxyada ay dhigayaan haweenka ayaa waxa uu ula jeedkiisu yahay in ay helaan haweenka xuquuqdooda dadka dhigaya dibadbaxyada ayaa waxa ay aaminsan yihiin inay dhibaato kala kulmi doonaan maamulka cusub ee Trump.

Waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan dibadbaxyadaan dadka caan ka ah wadanka Mareykanka oo ay ka mid yihiin Keti Berri .

Dhanka kale waxaa lagu qaban doonaa dibadbaxyo kuwaan la mida magaalada Neyaroum oo ka tiran Mareykan.

Dhinaca kale dibadbaxyo kuwaan oo kale ah ayaa waxay ka dhaceen waddamo badan oo ka tirsan caalamka oo ay ka mid yihiim Egland , Australia, iyo Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo Donald Trump.

Rosie O’Donnell waxaa uu caayey 2006-dii, inta tartankan ololaha lagu guda jiray waxaa fadeexeeyay haween badan uu six un ula dhaqmay, waxaa ka mid ahaa haweeney u tartamay tartan qurux ah uu isaga qaban jiray iyo xitaa haween kale oo ganacsato ahaa.

Hoos ka Daawo Sawirada:-