DAAWO SAWIRADA:- Kooxda Daacish oo burburisay buundooyinkii isku xirayey bariga iyo galbeedka Mosul

0

Xoogaga Daacish ayaa la soo sheegayaa iney shalay oo Jimce aheyd burburiyeen buundooyinkii isku xiri jiray magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Talaabadan ayaa la sheegay iney tahay mid kooxdan ay ku dooneyso inay ku hakiso duulaanka ciidamada Dowlada Ciraaq oo hadda la wareegay bariga magaaladaasi Mosul.

Buundooyinkii la burburiyey ayaa isku xirayey bariga & galbeedka magalada Mosul, kuwaasoo dul mara webiga Tigris ee magaalada kala qeybiya, waxaana kooxdan ay haatan awoodeeda isugu geysay galbeedka magaaladaas.

Militariga Ciraaq ayaa sheegaya iney la wareegeen bariga magaalada Mosul oo ay dagaalo ka socdeen todobaadyadii lasoo dhaafay.

Ciidamada Ciraaq ayaa bilahan dagaalo qaraar kula jiray xoogaga Daacish tan iyo markii dabayaaqadii sanadkii hore ay qaaden duulaan ay ku doonayaan iney kooxda Daacish kaga saaraan magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq.

Hoos ka Daawo Sawirada:-