DAAWO SAWIRADA:- Wabiga Shabeelle oo mar kale biyo la’aan noqday iyo Xaalka Beeraleyda oo aan Wanaagsaneyn

0

Wabiga Shabeelle ee mara Gobollada Hiiraan,Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ayaa biyo la’aan noqday mar kale kaddib markii bartamihii Sanadkii la soo dhaafay uu guray.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya Wabiga oo ay dhexdiisa marayaan dadka iyo duunyada ,sidoo kalena qallalay,waxaana ay taasi sameyn taban ku yeelatay dadka deggan Jiinka Wabiga ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay una badan beeroley iyo Xoololey.

Beeraleyda ku tiirsanaa biyaha webigan ayaa la sheegayaa iney soo food saartay xaalad adag iyo walaac ku saabsan in beerahooda ay waraab u waayaan.

Guridda Wabiga Shabeelle waxaa ay hadda ku soo aadday iyada oo uu dalka wajahayo abaar adag oo saameysay dhamaan Dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Sawirada:-