DAAWO:- Sawiro laga soo qaaday Wadooyinka xiran ee Muqdisho iyo Saameynta Shacabka ay ku leedahay

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Sawiro laga soo qaaday wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa muujinaya shacabka oo lugtooda ku maraya wadooyinka, waxaana laga mamnuucay gaadiidka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-