DAAWO SAWIRRADA: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

0

Waxaa goor dhaweyd Xarunta Golaha Shacabka Somaliyed ka bilaabatay Codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaaka Somaliya oo ay u taagan yihiin afar Musharax.

Guddoomiyaha KMG ee Baarlamanka dalka Cismaan Cilmi Boqore iyo C/raxmaan Ducaale Bayleh ayaa bilaabay codeyntii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Xildhibaanada saxiixay Buuga Isxaadirinta Golaha Shacabka waa Xildhibaano gaaraya 256 Xildhibaan, taasi oo macnaheeda ay tahay in Xildhibaanada codeynaya ay tiradaasi yihiin.

Saddex wareeg ayay soconeysaa Doorashada, haddii wareegga koowaad uu hal musharax helo codad dhan 139 waxa uu si toos ah u noqonaya guddoomiyaha Baarlamaanka.