DAAWO: Xasan Sheekhoow Sidaa Isku Taaqaan Ma'aha Ee Waa Sida Bulshada Kuu Taqaan!

0

Waxaa wanaag sanayd in madaxweyne xasan sheekh intaanu mar labaad is sharaxin in marka hore uu isku eego muraayada siyaasada ee afartii sano ee uu xilka hayey. Muuqaalkiisa siyaasadeed waa noocee.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Waqtigiisu Dhamaadey ayaa Xalay Hotelka SYL ee muqdisho xaflad ku samaystay.

Waa Qiimeeyey kulankan sawirada laga soo Qaadey waxaa ii muuqatay kulankaa Dadkii ka soo qayb galay inay u bad naayeey shaqaalaha Xafiiska iyo Qaraabadiisa iyo Dhawr siyaasi oo saxiibadiis iyo koox xildhibaano ah oo Taageersan.

Su’aal ayaan is waydiiyey oo ah .hadii uu mar labaad ku guuleysto inuu Noqdo madaxweynaha Dawlada Soomaaliya waa sidee guushaa uu helay ? Hadiiba kulankii xalay uu sameeyey sidaas cidla u ahaa.

iyadoo Doorashadii madaxweynaha ay ka dhimantahay 9-cisho 8.2.2017 Sawirada xafladii xalay waxaa ka muuqata in aanuu Haysan Taageerayaal badan oo ka kooban noocyada bulshada soomaaliyeed Gaar ahaan odayaasha Qabaa’iilada Hogaamiya.iyo Dadka hogaamiya ururada bulshada.

Hoos Ka Daawo

Afartii sano ee uu wadanka xukumayey waxay ahay waqti dheer haduu wax wanaagsen qaban lahaa xafladii xalay waxaa lagu qaban lahaa meel kulmisa komanaan soomaali ah oo taageersan waxaase wanaagse ee uu sameeyey.

Bulshada Soomaaliyeed waxay inteeda badan aamin san tahay in madaxweyne xasan sheekh uu ku Fashilmay Mudadii Afarta Sano ahayd ee uu Xilka Heyey Isagoo dhaw jeer laga keenay Mooshin iyo isqab qabsi siyaasadeed oo Dawladiisu kabixi waydey.

Hadii Afar sano oo hore naga qasaartey hadana dib loo doorto isagoo lacag laaluusha ku helay cododka xildhibaanada iyo Dawlada itoobiya oo ku qasbaysa in maamulada wadanka qaarkood Taageera isada mudame shariif xasan loogu amray inuu Taageero isaga iyo xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Markaa waa nasiib daro in la afduubo rajada bulshada Soomaaliyeed ee isbadal doonka ah.

Waxaa iska cad in Rajadii Nabada soomaaliya halkaa ku bur burtay waxaana dib loogu noqdo Nayaa colaadii Dagaalka sokeeye ee Qabaa’iilada iyo in lagalo jahwareer siyaasadeed oo looga soo hor jeedo hogaanka xasan sheekh ee itoobiyo wadato.

Beesha caalamkuna waxay u aqoonsan tahay madaxweyne aan ku imaan Rabitaanka shacabka soomaaliyeed Doorashadiina Musuq maasuqay.

W/Q: Maxamed caalim
ka faallooda Arimaha Soomaaliya.