Dawladda Gambia 'oo la' 11 milyan oo doolar' ka dib markii uu Jameh dalka isaga baxay

0

In kabadan 11 milyan oo doolaar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la’yahay ka dib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

Mai Ahmad Fatty ayaa sheegay in khuburo dhanka dhaqaalaha ah ay qiimaynayaan kharashka rasmiga ah ee dalka ka maqan.

Gawaarida raaxada iyo alaabo kale ayaa la saaray diyaarad xamuul ii Chad laga leeyahay isla habeenkii uu Jammeh dalka ka baxay.

Jammeh ayaa dalkaas isaga tagay Sabtidii, isaga oo soo afjaray 22 sano oo uu xilka hayay.

Wuxuu aqbalay natiijadii doorashada laakiin wuxuu dalka kaga baxay wada xaajood ay sameeyeen madaxda dalalka gobolkaas iyo hanjabaado ku aadan in ay milatarigooda u diri doonaan haddii uu xal kale diido.