DEG DEG+DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Rasaaseeyay Gaari Shacab iyo Xaalada oo kacsan

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah lagu rasaaseeyay Deegaano hoos yimaada Magaalada Mahadaay Ee Gabolka Shabellaha Dhexe.

Gaariga ayaa ka amba baxay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaas Gaarigaas oo siday qaad ama “Jaad” sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen. iyadoo rasaasta ay dhaawac ka soo gaartay 4ka mid ah Ganacsatada qaadka “Jaad” ee gaariga saarnaa.

Waxaana Al-Shabaab ay gaariga ku rasaaseeyeen Tuulada “Wararrax leey” oo u dhow deegaanka Biya cadde Ee Degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay sidaan oo kale u rasaaseeyeen Gawaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay wax yeelo ka soo gaartay rasaastaasi.

Majiro wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxay Shabaab iyo Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo ay kaga hadlayaan dhacdada lagu rasaaseeyay gaarigaas ay wateen dadka shacabka ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO