DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay iyo Dhulalka Dowladda oo go’aano uu ka soo saaray

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Midoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka kunool degaanada maamulka Jubbaland laga doonayo in ay gacanta dowladda ay kusoo celiyaan dhulkii ay la aheyd dowladdii dhexe.,

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid haysan karta dhulkaasi , islamarkaana laga rabo dadka haystaa in ay kusoo wareejiyaan maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay tilaabo ka qaadi doonto dadkaasi hadii aysan Jubbaland usoo gacan gelin dhulkaasi.

Magaalada Kismaayo oo ka mid ah  Magaalooyinka ugu waa weyn Soomaaliya ayaa dowladdii dhexe  waxaa ay ku laheyd dhulal aad u farabadan , waxaana xilliyadii burburka la wareegay Shaqsiyaad gaarka ah oo wali gacanta ku haya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in aysan dadka kunool Kismaayo aysan ka yeeli doonin in ay gacanta ku hayaan dhulkii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe , islamarkaana dhulkaasi uu hadda u baahan yahay maamulka Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-