DHAGEYSO:- Beesha Daarood oo Go’aan lama filaan ah ka qaadatay Musharax C/rashiid Xidig

0

Xili Maanta oo arbaco ah lagu wado in Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay doortaan Guddoomiye ay yeeshaan oo ay xilkaasi u taagan yihiin Afar Musharax ayaa waxaa soo baxay dhaliilo loo jeedinayo Mid ka mid ah Musharraxiinta Xilkaasi u tartamaya.

Afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daaroon Maxamed Wali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Daarood uusan Musharrax u aheyn Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig islamarkaana uusan heysan kalsoonida beeshiisa.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uusan ku matalin Beel weynta Daarood Xilkaas uu utaramayo islamarkaana uu yahay in baaqyo ka soo baxay beeshiisa ka dhaga fureystay oo dhaqaalo iyo fursad jago oo banaan ka faa’iideysanay.

Dhinaca kale  waxaa uu eedeeyn kulul u jeediyay Shariif Xasan sheekh Aadan oo uu ku tilamamay in uu marin habaabinayo Xildhibaan Xiddig waxaana uu sheegay in arimaha Beesha Daarood uu ka hari la yahay Shariifka islamarkaan ay Maalin un ay la xisaabtami doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-