DHAGEYSO:- C/rashiid Xiddig oo guul daradiisii ka dib hal arrin ka codsaday Guddoomiye Jawaari, Fariina u diray Xildhibaanada Codka u diiday

0

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo Maanta looga adkaaday tartankii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu jeediyay Qudbad Kooban oo uu ku taageeray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xiddig ayaa ugu baaqay Guddomiye jawaari in uu wax ka bedelo qorshihiisa siyaasadeed ee afartii sano ee la soo dhaafay uu ku hogaaminayay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Mr Xiddig ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono jawaari Maadaama uu tartan adag dhaxe maray Micnaheeda aysan aheyn in aan lawada shaqeyn karin.

isagoo hoosta ka xariiqay in Xarunta Golaha Shacabka ee Maanta lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay tahay Meel gaadiidka lagu baakiman jiray waagii dowlada dhexe loona baahan yahay in Guddoomiyaha uu wax ka qabto arrintaas oo ceeb ku ah Golaha shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-