DHAGEYSO:- Dabkii ka Kacay Suuq Boocle ee Muqdisho oo Saaka la damiyay

0

Iyadoo Xalay Dab aad u Xoogan uu ka kacay Suuq lagu Magacaabo Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley  Ee Gobolka Banaadir ayaa damintiisa waxaa ay soo gaartay Saaka Waabarigii.

Gaadiidka Dab Damiska Maamulka Gobolka Banaadir,Hormuud Telecom iyo Dadka Degmada ayaa ka qeyb qaatay Daminta Dabka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dabka ka kacay Suuq Boocle uu qaatay 7 Saacadood islamarkaana Saaka Tobankii Saac ee Aroornimo la damiyay.

Dabka ayaa Geystay Khasaare Hantiyadeed oo aad u badan,inkastoo aan weli wax Tiro Koob ah  laheyn.

Sidoo kale lama oga waxa Sababay Dabka  ka kacay Suuq Boocle,iyadoo arrintaan ay ku soo aadeyso Xilli Shalay Dab Baabi’iyay Goobo Ganacsi uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha .

Hoos ka Dhageyso Codka:-