DHAGEYSO:- Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Maanta Muqdisho ka dhaceysa

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta KMG ah ee Xubnaha Aqalka Sare waxaa ka dhaceysa Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ah Guddoomiyaha Aqalka sare iyo labadiisa Ku Xigeen.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saakay lagu wadaa in ay ku xaadiraan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada, isla markaan ay ka qeyb qaadanaya codeynta Guddoonka Aqalka sare.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Xarunta ku sugan qeybaha kala duwan ee Ciidamada amaanka.

Waxaa Xeran qeybo ka mid ah Wadooyinka iyo Iskoosyada degmooyinka Waqooyi iyo Bari ee Gobolka Banaadir.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

16 Musharax ayaa 3 ka mid ah waxa ay yihiin Haween waxa ayna u tartamayaan Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Aqala sare.

Kursiga ugu adag ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu yahay Kursiga Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Waxaana ka mid ah C/waaxid Cilmi Goonjeex, Cabdi Axmed dhuxuloow dhag dheer Abshir Bukhaari iyo Siyaasiyiin kale, Waxa ayna warbaahinta u sheegeen Waxyaabaha ay qabanayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-