DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dilkii Taliyaha Booliiska Gobolka Sh/Dhexe

0

Qarax Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goobtii uu ku sugnaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, taasi oo sababtay in Taliyaha uu ku geeryoodo, sida saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ay Risaala u sheegeen.

Wararka waxa ay sheegayaan Taliyaha oo ku sugan qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe, in Bam gacmeed lagu tuuray, kaasi oo sababay Geerida Taliye Khaliif iyo ruux kale oo la joogay.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay arrintan in ay tahay mid cadow uu ka shaqeeyay.

Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, waxaana Shabaabka ay sheegeen xoogag iyaga ka tirsan oo hubeysan in ay Bambo gacmeed ku weerareen Guriga Taliye Khaliif.

Ciidanka ammaanka oo ka jawaabaya dilka Taliye Carfaaye ayaa saakay xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar waxa ay ka wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijiynayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-