DHAGEYSO:- Faroole oo ka hadlay Abaaraha ka jira degaanada Puntland, kuna baaqay in dadka dhibaateysan loo gurmado

0

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mid ah xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka jira iyo heerka ay gaarsiisan yihiin.

Waxa uu sheegay Abaaraha dalka ka jira in ay yihiin kuwo sii xoogeystay, oo si weyn u saameeyay dadka iyo duunyada ku nool Gobolada Dalka.

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u soo gar gaaraan walaalahooda dhibaateysan, si loo badbaadiyo.

Faroole ayaa si gaar ah ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ugu baaqay in u soo gurmadaan shacabka dhibaateysan, isagoo sidoo sheegay Abaartan in ay mid daran.

Gobolada Dalka ayaa waxaa ka jira Abaaro aad u daran kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo lagu badbaadinayo dadkan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-