DHAGEYSO WAREYSI:- Guddiga Doorashada Galmudug oo sheegay in ay bilaabayaan Qabashada Araajida Musharaxiinta

0

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta Shaaciyay in 18-ka Bishaan oo Maanta ah ay bilaabayaan Qabashada Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweyne ee Galmudug islamarkaana ay ku Egtay 31-da Bishaan.

Waxaa sidoo kale ay soo saareen Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug Sharuudaha laga rabo Shaqsiga isku soo Sharaxaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana kamid ah.

In Musharaxa u Tartamaya Xilka Madaxweynaha uu soo Gudbiyo Hantida uu hadda leeyahay,in ay Da’diisu ka weyn tahay 40 Sano kana yar yahay 75 Sano,in aysan wax Maxkamad ah Xukumin,in Aqoontiisa ay Gaarsiisan tahay illaa Heer Jaamacadeed uuna leeyahay Waayo Aragnimo Hogaamineed.

Sidaa Waxaa sheegay Afhayeenka Guddiga qaban Qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug Dr Maxamed C/llaahi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-