DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari “Shacabka yaan la wareerin, Weli go’aan kama gaarin Xilliga ay doorashada dhaceyso”

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ka halday arrimo ku saabsan Doorashada iyo waqtiga ay dhaceyso Doorashada.

Waxa uu sheegay maalmahan in ay jireen Website-yo iyo dadka oo qaar sheegaya in la mudeeyay waqtiga ay dhaceyso Doorahsada Madaxweynaha, taas ayuu beeniyay wuxuuna sheegay wararkaas in ay yihiin kuwo been abuur oo sal iyo raad midna aan laheyn.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare kadib in la sameyn doono Guddi Baarlamaani ah oo ka kooban Labada Aqal, kaasi oo ka shaqeyn doona Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu sheeygay Guddigan in ay Baarlamaanka ka hor sheegi doonaan xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, cid kale oo gaari kartana aysan jirin.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Faroole, kuwaasi oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay kala hadleen arrimo ku saabsan Doorahsada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-