DHAGEYSO:- Kulan lagu taageeraayay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankaan ay Magaalada Muqdisho ku yeeshay Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaasha dhaqanka eek a soo jeeda degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradkii Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in horay ay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu codsadeen inuu isa soo sharax ka dibna uu ka aqbalay kuna guuleystay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxa ay ugu baaqeen Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka inuu wax badan ka qabto dhibaatooyinka heysta shacabka Koofur galbeed Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay taageersan yihiin Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoos ka Dhageyso Codka:-