DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Raga ka soo goosta Daacish ee ku soo biira Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Ciidamada Puntland ku amaanay sida geesinimada leh oo ay kaga guuleysteen sida uu sheegay Kooxda Daacish ee Degmada Qandala ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Puntland ay ku guulesyteen in Kooxdii Daacish ka tirsaneyd in ay ka saaraan degaanada ay kula dagaalameen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan Cid kasta oo ka soo goosata ama ka soo baxda Daacishta ku sugan degaano ka tirsan Puntland.

Waxa uu tilmaamay in la sii labo jibaaro Wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-