DHAGEYSO:- Mooshin Xilka loogu qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan oo Baydhabo lagu diyaarinayo

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay  Mooshin ka keenayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Mooshinka xildhibaanada keenay ay dhan yihiin 84 mudane , islamarkaana ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Shariif.

Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee uu xilka hayay in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-