DHAGEYSO:- Musharax Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo ka hadlay doorashada Soomaaliya iyo Arrimo kale oo Xasaasi ah

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ahna Musharax u taagan qabahsada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay si wanaagsan in ay ku dhici doonto Doorashada Soomaaliya, gaar ahaan mida Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha soo socda in ay noqdaan kuwo ku doorta karti iyo cadaalad, si meesha looga saaro musuq maasuqa.

C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay amniga dalka in hada uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.

Xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha ayaa ilaa iyo hada si rasmi ah aan loo shaacinin, waxaana Musharaxiinta qaar ay sheegayaan in Doorashada ay ku dhici doonto qaab cadaalad ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-