DHAGEYSO:- Nabadoon Axmed Diiriye oo mar kale sheegay in Galmudug Cadow badan ku soo duulay

0

Afhayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa si cad u sheegay in Cadow uu ku soo duulay Maamulka iyo Shacabka Galmudug

Waxa uu sheegay in Galmudug ay hada gashay dagaal Siyaasadeed oo dhinacyo badan ah isla markaana ay yeelatay Cadow badan.

Waxa uu nasiib daro ku tilmaamay Khilafkan ka dhashay Hogaanka Galmudug iyo Go’aanada uu sheegay inay ku Fududaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu Xildhibaanada iyo Madaxda ugu baaqay in ay heshiiyaan oo aa laga dhex faa iideysan maadaama sida uu sheegay Galmudug ay Cadow badan leedahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-