DHAGEYSO:- Odayaal is hor istaag ku sameeyay Dhalinyaradii kufsiga ka geysatay iyo Muran weli ka taagan..

0

Odayaasha Degmada Goldogob ayaa is hor istaag waxa ay ku sameeyeen in Dhalinyaradii kufsiga ka geysatay Degmada Goldogob loo soo wareejiyo Maxkamadda Gobolka Mudug, si dambiyada ay galeen ciqaabtooda loo marsiiyo.

Warar hoose oo aynu ka heleyno Odayaasha qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Dhalinyaradaasi lagu soo xiray xabsiga Magaalada Gaalkacyo, laga soo saaray dibna loogu soo celiyay Magaalada Goldogob.

Odayaasha ayaa waxa ay ka soo horjeesteen in Dhalinyaradaasi loo soo wareejiyo Maxkamadda Gobolka Mudug, iyagoo ku doodaya in Dambiga Dhalinyaradan lagu qaadayo Degmada Goldogob.

Mas’uuliyiin ka mid ah Garsoorka Gobolka Mudug ayaa waxa ay inoo sheegeen in weli Odayaasha ay ku dhegan yihiin kiiska Dhalinyarada kufsiga geysatay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Golodogob oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu dalbdaday Ciidamo sugi doona ammaanka, xilli culumaa’udiinka ay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan xukunka Dhalinayarada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-