DHAGEYSO:- Puntland oo ka hadashay Xil ka qaadista Madaxweynaha Galmudug, shaacisayna in Xildhibaanada ay Xaq u leeyihiin Xil ka qaadista

0

Barlamaanka maamulka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday madaxweynihii maamulkaas Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, waxaase goordhow ka hadlay maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid ay xaquuq ahaan uleeyihin dadka maamulkaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wax saameyn ah aysan xaalada Gaalkacyo ku yeelan doonin xilka qaadista Madaxweyne Guuleed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-