DHAGEYSO:- Sheekh Shariif “ Dalka Soomaaliya Amni ma ahan, Waxaana sabab u ah Madaxda hada Jirta oo dayacday Xuquuqda Ciidanka Qaranka”..

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya Xaaladda dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hadda Dalka uusan Amni ka jirin islamarkaana Dhamaan Magaalada Muqdisho la kala Xir xiray,waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu balan qaadkiisii ahaa Lixda Tiir uusan waxba ka qaban oo taabadalkeeda uu keenay wax lid ku ah oo ka soo horjeeda Lixdii Tiir ee uu horay u balan qaaday.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda kamid ah Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota,waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Musharaxiin Musuq Maasuq ku soo saarteen balse asagu uu Codkooda leeyahay.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya Xilli la filayo in dhawaan ay Dalka ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-