DHAGEYSO:- Taliyaha Booliiska oo ka hadlay Faa’iidada Dhalinyarada ka soo qalin Jibisay Jaamacadaha ee ku biiray Taliska Ciidanka

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyaa Jeneraa Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Tababar u furay qaar ka mid ah Dhalinyarada ka soo qalin jibisay Jaamacadaha Dalka ee ku soo biiray Taliska Ciidanka Booliiska.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan Dhalinyaro wax baratay oo ku soo biiraya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan tayaynta Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo dhiira gelinta Dhalinyarada doonaya in ay ku biiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-