DHAGEYSO:- Taliye Carfaaye oo Aas Qaran loogu sameeyay Jowhar iyo Maamulka HirShabeelle oo ka qeyb galay

0

Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Duleedka Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Aaska loo sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan iyo Ehelada Marxuumka.

Dadkii ka soo qeyb galay Aaska Marxuum Carfaaye ayaa waxa ay Alle ka baryeen in Janatul Fardowso ka waraabiyo Marxuumka, maadaama gacan ka xaq daran ay dishay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhamaan laamaha amniga ee Hirshabeelle faray in ay gacan bir ah ku soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliye Caraaye.

Ugu dambeyntii  Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Hirshabeelle in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-