DHAGEYSO:- Waaxda Dab Damiska Gobolka Banaadir oo ku guuleysatay iney damiyaan Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Waxaa caawa lagu guuleystay in la damiyo Dabkii Barkhanimadii maanta ka kacay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Cabdalla Shideeye.

Daminta Dabkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Gaadiidka Dab damiska ah ee Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Gawaari kale oo soo gurmaday.

Khasaare Hantiyadeed ayaa ka dhashay Dabkan ka kacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeye, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay dabka inuu ka dhashay Burjiko taalay goob Shaah lagu Iibiyo Bakhaarka Dabka uu ka kacay hortiisa.

Dadka qaarna waxa ay sheegayaan dabka inuu ka dhashay Koronto, iyadoo uu ku sii fiday dhismooyin ku dhaw Guriga Dabka uu ka kacay ee Suuqa Bakaaraha ku yaallo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-