DHAGEYSO:- Warbixin Ay Soo Saartay Hay'adda CDRC Ee Dalka Itoobiya Oo Lagu Sheegay In Mareexaan Iyo Dhulbahante Laga Ilaaliyo Inay Qabtaan Xilka Madaxweyne.

0

Iyadoo meel xasaasi ah uu marayo Ololaha doorashada Kursiga M/weynaha Somalia ayaa Hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka itoobiya gaar ahaan Magaalada Addis abbaba waxaa ay shaaca ka qaaday Warbixin yaab leh taasoo lagu muujiyay shaqsiga noqon doona M/weynaha Cusub ee Soomaaliya iyo Beesha uu kasoo jeedo.

Hay’ada Wadda Xaajoodka, Cilmi baarista & iskaashiga marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan “CDRC” ee dalka itoobiya ayaa soo bandhigtay Warbixin ka kooban 15-Bog taasoo ciwaan looga dhigay”Saadaasha Siyaadada Somalia iyo Xiliga kala guur & Murashaxa M/weynaha Noqon doona”

Warbixinta ayaa lagu muujiyay loolanka addag ee ka dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed gaar ahan Beelaha Hawiye & Daarood iyadoo lagu sheegay Warbixinta in aysan macquul aheyn Musharax aan qabiilka hawiye aheyn in uusan noqon doonin M/weynaha Cusub balse hadii ay dhacdo in Beesha Daarood ay xilkaasi helaan in dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho aysan ku shaqeyn karin dowlada Cusub.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka daneeya arimaha Somaliaya ay ogaadaan hadii dowlad sii shaqeysa loo baahan yahay in kursiga M/weynaha loo dhaafo Beesha hawiye.
Warbixinta oo Meelaha qaar u muuqatay mid leeskaga hor keenayo Beelaha Soomaaliyeed ayaa Ugu dambeyn lagu sheegay in M/weynaha Cusub ee Soomaaliya uu noqon doono Musharax kasoo jeeda Beesha Hawiye.

 

HOOS KA DHAGEYSO