DHAGEYSO:- Xareed Cali Xareed “Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaan diyaarinaynaa”

0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in ay diyaarinayaan guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Xareed in tillaabadii shalay ay Kalsoonida ugala laabteen Madaxweyne Guuleed ay tahay mid saxan sidaasi darteedna ay dooran doonaan Madaxweynihii bedeli lahaa C/kariin Guuleed.

“Waxaan hadda diyaarineynaa guddiga doorashada Galmudug, waxaan rabnaa inaan horey usii amba qaadno howlaha doorashooyinka maadaama shacabka inaga sugayaan shaqooyin badan.” Ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug mar wax laga weydiiyay in ay doonayaan inay isku biiriyaan Baarlamaanka Galmudug iyo midka maamulka Ahlu-sunna ayuu waxbo kama jiraan ku sheegay.

“Maya lagama yaabo in Labo Baarlamaan isku tagaan, laakiinse waxaan u sheegayaa Ahlu-sunna in dowladda cusub ay fursado badan uga baanaan tahay dhanka awood qeybsida.” ayuu yiri Xareed.

Xildhibaanno kulan ku yeeshay Cadaado ayaa sheegay in kalsoonida ay kala laabteen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, xilli baarlamaanka maamulkaasi uu fasax ku jiro.

Hoos ka Dhageyso Codka:-