DHAGEYSO:- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi “ Guddi dhex dhexaadin ah ayaa u direynaa Magaalada Cadaado, Cabashada Xildhibaanadana Waa la Xalinaya”..

0

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo galay Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay Guddi u saarayaan khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Galmudug kaas oo sababay in Xildhibaannada Galmudug ay xilka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Guuleed.

Fiqi oo ah Guddoomiyaha Xildhibaannada labada aqal ee ka soo galay Galmudug ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Galmudug ay ka dambeeyaan Musharrixiin ku fashilmay in ay Galmudug ka soo galaan kaddib markii ay fashilmeenna ay billaabeen in ay bur buriyaan Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Guddiga ay u dirayaan ay diyaariyeen islamarkaana ay tagayaan Cadaado si ay u dejiyaan xiisadda Siyaasadeed ee hadda ka aloosan Cadaado.

Xildhibaanno gaaraya 54  oo ka mid ah Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-