DHAGEYSO:- Xildhibaano Magaalada Cadaado ku kulmay oo go’aano Culus soo saaray

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug ku eedeeyeen in uu khalalaase ka hurinayo Magaalada Cadaado.

Waxa ay sheegeen colaada iyo xiisada hada ka taagan Magaalada Cadaado in uu ka dambeeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashir (Carabey) in uu la saftay C/kariin Guuleed.

Dhanka kale Waxa ay sheegeen xildhibaanada in ay socoto qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, si weyna ay ugu diyaar garoobeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-