Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid.

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta oo ay taariikhda ahayd 18-01-2017 ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Cismaan Keenadiid, Reer Nuur Cismaan, gaar ahaan Saciido Nuur Cismaan iyo dhamaan asxaabtii uu ka baxay Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Saciid Nuur Cismaan Keenadiid janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

إِنَّ للهِ ما أَخَذ، وَلَهُ ما أَعْـطـى، وَكُـلُّ شَيءٍ عِنْـدَهُ بِأَجَلٍ مُسَـمَّى.فَلْتَصْـبِر وَلْتَحْـتَسِب. أَعْظَـمَ اللهُ أَجْـرَك، وَأَحْسَـنَ عَـزاءَ ك، وَغَفَـرَ لِمَـيِّتِك