Dil Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Howlgalo Xoogan oo socda

0

Sida ay noo Xaqiijiyeen Dad Goobjoogeyaal ah waxaa Goor Dhow Suuqa lagu Magacaabo Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu Toogtay Qof Dumar ah oo ka mid aheyd Dadka ku Ganacsada Suuqa.

Marxuumada la Dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Hooyo Aamino Maxamuud Axmed,waxaana la sheegay in ay Suuqa ku iibineysay Dhar Huudheey ah.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Dilka ay geysteen Dableey Bastoolado watay,kuwaas oo Goobta ka baxsaday.

Lama oga illaa hadda Sababta loo dilay Haweeneyda Dharka Huudheeyda ah ku iibin jirtay Suuqa lagu Magacaabo Suuq Bacaad oo ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.