Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka dhaceyso

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Sidoo kale maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 12-ka Bishan ayaa la filayaa in la soo doorto ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.