Doorashadii Xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo Maanta Gacan la isku qaaday

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib uga Bilaabatay Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Intii ay Doorashadu socotay ayaa waxaa gacanta iskula tagay Ergo ku sugneyd Xarunta Gaadiidka Booliska oo ay ka socoto Doorashada,waxaana Ergada Gacanta iskula tagtay ay yihiin Ergada Musharaxiinta kala ah Qadro Axmed Ibraahim, Guuleed Ceydurus Cige, Canab Xasan Kaahin  iyo Shugri Cabdi Yuusuf oo Hal Kursi ku wada Tartamaya.

Ciidamada Amniga ayaa soo kala dhex galay Ergada Maanta isku Farasaaray Xarunta Gaadiidka Booliska ee ay ka socoto Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Maanta la doortay Labo Xildhibaan oo kala ah C/raxmaan Maxamuud caateeye iyo Sakariye Xuseen Aar.