Dowladda Kenya oo balantii ugu baxday Madaxda Soomaalida

0

Inkastoo uu qorshuhu ahaa bishii December 13-dii ee sannadkii hore inay Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia si toos ah uga degaan Garoomadda Diyaaradaha Wilson iyo Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi ayaa waxa muuqata inay Dowladda Kenya sii adkeysay Baaritaanadda lagu hayo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Diyaaradaha Rayidka ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa sheegay in ay waajib tahay in Diyaaradaha ka ambabaxa Muqdisho ee ku sii jeeda Nairobi sababo dhinaca Ammaanka loogu sii baari doono Garoonka Wajeer oo 490-KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Nairobi.

Isagoo la hadlayey Wargeyska Africa Review ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu tilmaamay inay Wajeer tahay Aag-dhuleedlagu baarayo Shaqaalaha iyo Rakaabka Diyaaradaha, lana sii wadi doono in lagu baaro Diyaaradaha ka yimaada Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin wax qorshe oo khasab oo lagu joojinayo Baaritaanadda dhinaca Ammaanka ee lagu sameeyo dhamaan Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi.

Hadalkaasi ayaa waxa uu meel ka dhac ku noqonaya Heshiiskii ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta bishii September 13-dii ee sannadkii hore ku kala saxiixdeen magaalladda  Muqdisho, kaasi oo ay isku af garteen in la qaado Xayiraaddii Qaadka laga keeno Kenya iyo inay Diyaaradaha si toos ah ugu kala gooshaan Muqdisho iyo Nairobi.

Inkastoo Dowladda Federalka dib u fasaxday Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirey Kenya,waxaan dhinaca Kenya ka fulin in la joojiyo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia ee lagu baaro Garoonka Wajeer, iyadoo qorshuhu ahaa in Heshiiskaasi la dhaqan geliyo bishii December 13-dii ee sannadkii hore.