Dowladda Kenya oo Xirtay 2 Wiil oo Dhalinyaro ah

0

Booliska Dalka Kenya ayaa xiray Labo dhalinyaro ah oo aan la shaacin wadamada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab.

War ka soo baxay xafiiska Isbatooraha Guud ee Booliska Kenya ayaa lagu sheegay raggan in lagu qabtay Decomentiyo cadeynaya weeraro ay geysan rabeen iyo agabyo kale oo weerarada iyo Qaraxyada lagu fuliyo.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen raggan  in ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Kaniisadaha iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah.

Boolisku waxa ay sheegeen in ay ku raadjoogaan tiro kale oo dhalinyaro ah, kuwaas oo u soo baxsaday dhanka Soomaaliya, xiriirna la leh raggan ay gacanta lagu hayo.

Weerarkii Westgate oo dhacay 2013-kii iyo weerarkii Jaamacada Gaarisa oo dhacay 2015-kii ayaa waxa ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo fara badan, waxaana Mas’uuliyada weeraradaasi sheegtay Shabaab.

Shabaab ayaa horey u sheegay in aysan joojin doonin weerarada ay ka geysanayaan gudaha Dalka Kenya, ilaa Ciidanka kenya ay isaga baxaan Soomaaliya.