Faahfaahin Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Beledweyne

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Bambo gacmeedka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho Beledweyne.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof ayaa ku geeryoodey, 3 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxan, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Dhamaan dadka ku waxyeelobay Qaraxan ayaa waxa ay ahaayeen shacab, inkastoo goobta ay ka dhawaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne, si xaaladooda caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

Ciidanka Ammaank ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi saakay ka wadaan baaritaano, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay falkan.