Hub iyo saanad kale oo lagu soo bandhigay Qandala +Sawirro

0

Saraakiisha Ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaanada hoos yimaada ayaa soo bandhigay saanad Milateri iyo waxyaaba kale oo ay ka qabsadeen argagixisada Kooxda Daacish.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa Ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Ciidamada Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala, islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi, isagoo booqday goroonka diyaaradaha ee Magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga badda ee degmadaasi.

Garoonka Diyaradaha ee Deegaanka Qandala ayaa waxa ugu dambeysay isticmaalkiisa markii ay jirtay Dawladdii dhexe ee Dalka ka talineysay ilaa 90-kii.