Iskahorimaad ku dhex maray Alshabaab iyo xoolo dhaqato deegaan ka tirsan Sh/dhexe

0

Wararka ka imanaya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray deegaanka Warciise oo dhinaca Bari kaga beegan 25 km magaalada Jowhar maleeshiyo ka tirsan Alshabaab iyo xoolo dhaqato.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay in uu ka bilowday xoolo dhaqato hubeysan oo dooneysay inay ka saaraan miino lagu aasay dhulka meel u dhexeysa deegaanada Warciise iyo Wardhagax balse ay soo weerareen maleeshiyaad Alshabaab oo miinada halkaa ku aasay.

Wararka waxa ay sheegayaan in iskahorimaadkan ay ku dhinteen labo ruux oo ka mid ahaa xoolo dhaqatadii dooneysay inay miinada ka saaraan wadada halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo saarnaa gaari bas ah oo marayay meel ku dhow halka uu dagaalka ka dhacay.

Afarta ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen gaari u sidey deegaanka Warciise Qaad iyadoo dadka dhaawacmay la keenay isbitaalka magaalada Jowhar.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in markii dambe ay goobta gaareen iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka kale ee ka imanaya dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in bam lagu weeraray maqaaxi ku taal magaalada Beledweyne. Labo ruux ayaa ku dhimatay weerarkan bambaano iyaoo saddex kale ay ku dhaawacmeen mana jiro cid sheegatay weerarkann bambaano.