LA SOCO:- Doorashada Guddoomiye ku xigeenada oo goor dhow bilaabanaysa

0

Waxaa goor dhow lagu wadaa in xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ay ka bilaabato Doorashada Guddoomiye Ku xigeenada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa intooda badan ku sii xaadiray xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobta Doorashada ay ka dhaceyso.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa kala ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Sidoo kale isla maanta waxaa dhaceysa Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka, waxaana Musharaxiinta u tartamaya xilkaan ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi).

10.Maryan Axmed Haaruun.