Laba Musharax oo u gudubtay wareegga ugu dambeeya ee Doorashada Aqalka Sare

0

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee dalka, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, waxaana codadka hoggaaminaya Mowliid Xuseen Guuleed.

Wareegii Saddexaad ee Doorashada ayaa hada loo gudbay, iyadoo Codadka uu hoggaaminaayo Mowliid Xuseen Guuleed oo haysta codad gaaraya 20 cod.

Wareega Saddexaad waxaa u gudbay C/kaafi Macalin Xasan 16 cod, iyo Mowliid Xuseen Guuleed oo heysta 20 cod.

Saacado ka hor waxaa la doortay Cabdi Xaashi C/laahi oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare.