Madaxweynaha Gambia Jammeh oo wacad ku maray inuu "xilka sii haynayo illaa doorasho laga qabto"

0

Madaxweyne Jammeh wuxuu dadka reer Gambia ku booriyay inay sugaan go’aanka maxkamadda sare
Madaxweynaha dalka Gambia Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuusan is casilidoonin ka hor go’aanka maxkamadda sare ee doorashada lagu muransan yahay.

Hase yeeshee, lama filaayo in maxkamadda ay go’aan ka garto arrinta illaa bisha May ee sanadkan.
Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan “faragelin dibadda kaga timaado Gambia”.

Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.
Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.